Tababare Solskjaer oo ugu baaqay Goolhaye David de Gea in uu sidii Martial oo kale heshiis cusub u kordhiyo Manchester United

(Manchester) 03 Feb 2019    Tababaraha kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska Ole Gunnar Solskjaer ayaa ugu baaqay goolhayaha kooxdiisa David de Gea in uu raaco waddadii weeraryahan Anthony Martial, isla markaana heshiis cusub u kordhiyo Manchester.

Toddobaadkan ayay ahayd markii weeraryahanka Faransiiska ee Martial uu heshiis cusub oo ku eg illaa 2024-ka u saxiixay kooxda Manchester United kaddib wada hadallo muddo u socday isaga iyo madaxda naadiga MU.

Goolhayaha heerka caalami ah ee de Gea ayaa 344 kulan u saftay Manchester United muddada 7 sano iyo barka ah ee uu kooxdan u ciyaarayo, waxaana jira kooxo badan oo u gacan haatinaya goolhayahan sida Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close