Real Madrid oo ku dubatay garoonkeeda Bernabéu kooxda Deportivo Alaves … (Benzema oo wali la celin la’ayahay) + SAWIRO

(La Liga) 04 Feb 2019. Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulankeeda 22-aad ee horyaalka La Liga, kadib markii ay kooxda Deportivo Alaves kaga adkaadeen 3-0.

Ciyaarta ayaa qeybta hore lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Real Madrid.

Karim Benzema ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid daqiiqadii 30-aad, kadib markii uu caawinta goolkan ka helay Sergio Reguilon.

Qeybta labaad marka dib labada kooxood garoonka u soo galeen, ayay Los Blancos sameysay qaab ciyaareed fiican, xili uu si weyn garoonka kaga dhex muuqday da’ayarka reer Brazil ee Vinicius Junior.

80 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd da’ayarka reer Brzil ee Vinicius Junior ayaa ka dhigay 2-0, kadib markii uu si qurux badan goolkan kaga caawiyay Marco Asensio.

90-ka daqiiqo ee dhamaadkii ciyaarta Mariano Diaz oo caawin ka helay Alvaro Odriozola ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-0 ay ku adkaatay kooxda cad cadka ee Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close