Rashford oo isagoo 21 jir ah galabta gool dhaliyay kulankiisii 100 ee Premier League kulankii Leicester City

(Waa kee ciyaartoyga qura ee Manchester United ee Rikoorkan kaga horreeyay Rashford?)

(Manchester) 03 Feb 2019    Weeraryahanka da’da yar ee kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska Marcus Rashford ayaa galabta saftay kulankiisii 100-aad ee Horyaalka Ingiriiska ama kooxdiisa Manchester United ciyaartii ay 1-0 kaga badiyeen Leicester City ee ka tirsanayd Premier League.

Tirakoobka ayaa tilmaamaya in Rashford uu noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da yaraa ee 100 ku dhaliya goolashii ugu sarreeyay ee Horyaalka Ingiriiska isagoo haatan da’diisu mareyso (21 sano iyo 95 maalmood), waxaana Rashford 100-kaas kulan uu dhaliyay 26 gool.

Ryan Giggs ayaa keliya kaga horreeyay rikoordhkan dhanka Manchester United, waxaana xilligii 100-ka kulan uu gaaray laacibkii hore ee Man United uu jiray (21 sanadood iyo 74 maalmood), isagoo xilligaasna 100 ciyaaroodna ku dhaliyay 25 gool.

Manchester United waxa ay haatan ku jirtaa kaalinta 5-aad ee Horyaalka Ingiriiska iyadoo 25 kulan oo ay dheeshay heshay 48 dhibcood, halka Arsenal oo 6-aad ku jirtana ay leedahay 47 dhibcood iyadoo isla galabtana ciyaar adag la yeelan doonta Manchester City.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close