Manchester City oo guul ay u qalantay ka gaartay Arsenal… (Aguero oo dhaliyay Saddexley) + SAWIRO

(Premier League) 03 Feb 2019. Manchester City ayaa guul muhiim ah ay u qalantay gaartay, kadib markii ay 3-1 kaga adkaatay kooxda Arsenal.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester City.

Sergio Aguero ayaa daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta durbaba hogaanka u dhiibay kooxdiisa Sky Blues, kadib markii uu caawinta goolkan ka helay Aymeric Laporte.

Difaaca kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa daqiiqadii 11-aad ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah, waxaana goolkan ka caawiyay Nacho Monreal.

Balse ku dhawaad dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 44-aad Sergio Aguero ayaa markale hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, wuxuuna ka dhigay 2-1, kadib kubad ay si wanaagsan kaga soo shaqeeyeen wiilasha Sky Blues ayaa waxaa ugu dambeyn caawinteeda yeeshay Raheem Sterling.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay dheesha labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, waxayna sameeyeen fursado aad u wanaagsan.

65 daqiiqo Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee ciyaarta wuxuuna ka dhigay 3-1.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay ku adkaadeen wiilasha Pep Guardiola ee Manchester City.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close