Kagawa iyo kulankiisii ugu horeeyay ee Besiktas (81’ ayaa la soo geliyay 2 gool ayuuna 4 daqiiqo ku dhaliyay)

(Istanbul) 03 Feb 2019    Laacibka khadka dhexe ee Japan Shinji Kagawa ee dhowaan ay amaahda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kula soo wareegtay kooxda Besiktas ee Turkiga ayaa caawa mucjiso ka dhigay kulankiisii ugu horreeyay ee Horyaalka Turkiga.

Daqiiqaddii 81’ ee ciyaartii ay Besiktas la dheeshay Antalyaspor ayaa beddel lagu soo geliyay Kagawa, waxaana uu daqiiqaddii xigtay ee 82’ uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay oo uu laad xirfadeysan ka soo tuuray meel 18 yaardi u jirta goolhayaha.

Laacibkii hore ee Dortmund iyo Manchestre United, Kagawa ayaa misna laba daqiiqo kaddib dhaliyay goolkiisii labaad oo ahaa laad xor ah, waxaana ciyaartani ay Besiktas ku badisay 6-2.

Xilligii uu garoonka soo galayay Kagawa waxay ciyaartu mareysay 4-1 oo ay kooxdiisa Besiktas ku hoggaaminaysay, waxaase durbadiiba uu dhigay taariikh isagoo noqday xidiggii ugu horreeyay ee Japanese ah ee gool ka dhaliya Horyaalka Super Lig ee Turkiga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close