Baarista Diyaaraddii la waayay ee uu saarnaa ciyaaryahan Sala iyo duuliyihiisii oo mar kale dib loo bilaabay

Waxaa haatan laga raadinayaa biyaha hoostooda !

(London) 03 Feb 2019.   Mar kale ayaa dib loo bilaabay baadi goobka diyaaraddii yareyd ee la waayay ee siday ciyaaryahan Emiliano Sala iyo duuliye David Ibbotson, waxaana markan laga goobayaa biyaha hoostooda meel loo maleynayo inay diyaaraddu ku dhacday oo ah jasiiradda Guernsey ee biyaha Kanaalka Ingiriiska.

Emiliano Sala oo u soo ciyaaray Nantes ayaa ku sii jeeday kooxda Cardiff City ee Ingiriiska oo uu heshiis la gaaray markii Raadaarka laga waayay diyaaraddaasi  21-kii Janaayo 2019.

Baaritaan la sameeyay oo saddex maalmood socday ayaa kooxihii howshaasi waday ay sheegeen in joojiyeen baarista, jawiga oo aad u xun dartiisna aan la sii wadi karin baaritaanka, hase yeeshee taageerayaal kubadda cagta ah ayaa furay bog lacag ururin ah, taasoo keentay in mark ale la bilaabo raadinta Sala iyo diyaaraddii uu saarnaa.

Shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo The Air Accidents Investigation Branch (AAIB) oo adeegsanaysa maraakiib ayaa saakay oo Axad ah billowday in ay diyaaraddii la waayay ka baadi goobaan 24 Nautrical miles oo dhanka badda ah oo ku aaddan Waqooyiga Jasiiradda Guernsey.

Shirkadda AAIB ayaa sheegtay in ay isku dayi doonaan inay sii wadaan dadaalka ay ku raadinayaan Emiliano Sala illaa ay ka soo helayaan haraadiga diyaaradda.

Sala oo 28 jir ahaa ayaa weerarka uga ciyaari jiray kooxda Nantes ee Faransiiska muddo 4 sano ah (2015-2019), waxaana kaddib kooxda Cardiff City ay kula wareegtay heshiiskii ugu qaalisanaa abid ee ay ciyaartooy ku soo iibsato (15 Milyan oo Giniga Istarliinka ah).

Sawirradan waa shirkadda Biyaha hoostooda ka raadinaysa diyaaraddii Sala, waxaana saaran baarayaal ka socda AAIB

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close