Tababare Solari oo hal codsi hor dhigay ciyaartoydiisa kahor kulanka Deportivo Alaves

(Real Madrid) 02 Feb 2019. Macalinka kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa xaqiijiyay sida ay muhiim u tahay in ciyaartoydiisa ay si weyn diirada u saaraan kulanka soo aadan Deportivo Alaves.

Santiago Solari ayaa ka hadlay sida uu u adag yahay kulanka ay kula ciyaari doonaan habeen dambe kooxda Deportivo Alaves horyaalka La Liga ee dalka Spain.

“Waa inaan dadaalkeena oo dhan ku bixinaa kulanka habeen dambe aan la ciyaari doono kooxda Deportivo Alaves, sababtoo ah wuxuu noqon doonaa kulan aad u adag”.

“Waxaa suuragal ah in Vinícius Júnior uu ka ciyaaro dhanka weerarka, waa ciyaaryahan tayo leh oo ka ciyaari kara boos kasta”.

Intaas kadib macalinka reer Argantina ayaa shirkiisan jaraa’id kaga hadlay booska Gareth Bele wuxuuna yiri:

“Waxaan ku arkaa booskiisa tababarka iyo kulamada uu ciyaarayo, waan hubaa inuu si weyn muhiim ugu yahay kooxda Rea Madrid”.

“Qof kasta ee kooxda ka mid ah ayaa diyaar u ah kulamada, mana jiraan wax dhaawacyo ah ee aan qabno, marka laga reebo Jesus Vallejo”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close