Lionel Messi oo guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa Barcelona + SAWIRO

(La Liga) 02 Feb 2019. Lionel Messi ayaa guuldaro kaga badbaadiyay kooxdiisa Barcelona garoonka Cump Nou, kadib markii ay ku kala baxeen kooxda Valencia barbaro 2-2.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hogaamineysay kooxda Valencia oo marti ku ahayd Cump Nou.

Kevin Gameiro ayaa daqiiqadii 24-aad hogaanka u dhiibay kooxdiisa Valencia wuxuuna ka dhigay 1-0, kadib markii caawin ka helay saaxiibkiis Rodrigo Moreno.

Garsooraha ciyaarta ayaa daqiiqadii 32-aad ku ciqaabay kooxda Barcelona rigoore, waxaana gool u badalay Dani Parejo oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Laakiin kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa 39 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay wuxuu dhaliyay gool rigoore ah waxaana lagu kala nastay qeybta hore 1-2.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay kooxda Valencia ayaa waxay kala hor tagtay Barcelona iska caabin xoogan, iyagoo sidoo kale iska qasaarisay fursado cajiib ahaa.

Laakiin 64 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Lionel Messi ayaa dheesha ka dhigay barbaro 2-2, kadib markii uu goolkan ka caawiyay Arturo Vidal.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 2-2 y labada kooxood dhibcaha ku kala qeybsadeen.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close