“Inta ay sameyn lahayd Real Madrid saxiixa Neymar, waxaa haboon inay lasoo wareegto…” Mid ka mid ah xidigaha Los Blancos

(Real Madrid) 02 Feb 2019. Goolhaayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay u baahan tahay inay la soo wareegto xidiga reer Belgian ee Eden Hazard, marka loo fiiriyo kan kooxda PSG ee Neymar Jr.

26 jirkan shabaqa u ilaaliya Real Madrid ayaa rajeeyay in Eden Hazard uu ku soo biiro Los Blancos, halka uu ka imaan lahaa xidiga reer Brazil ee Neymar Jr, isagoo dhinaca kale sheegay inuu si xoogan u jecel yahay xidiga kooxda Chelsea.

Image result for Eden Hazard and Courtois

“Waxaan hubaal ah inaan dooran doono Eden Hazard, sababtoo ah waan jeclahay isaga, balse go’aanka ugu dambeeya waxaa iskaleh madaxweynaha iyo gudiga sare ee kooxda”.

“Kooxdu si fiican ayay u socotaa, Karim Benzema wuxuu ku jiraa xaalad fantastik ah wuxuuna dhaliyay 17 gool”.

“Gareth Bele ayaa ku bilowday si fiican, lakiin waxa uu ku qasbanaa inuu la tacaalo dhaawacyada soo gaaray”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close