Chelsea oo Balaayadii ka soo raacday Bournemouth ku hilmaamtay Huddersfield….(Higuin iyo Hazard oo min 2-gool dhaliyay)+SAWIRRO

(London) 02 Feb 2019. Naadiga Chelsea ayaa si xarago leh uga adkaatay Huddersfield oo ay ku dhufatay 5-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Saxiixa Cusub ee Chelsea ayaa goolkiisii ugu horreeyay ee Chelsea iyo kii ugu horreeyay ciyaarta dhaliyay daqiiqadii 16-aad kaddib markii uu darbo kulul ku dhammeystiray baas uu ka helay Kante.

Intaan la marin qeybta hore Hazard ayaa dhaliyay Rigoore lagu galay kabtanka kooxda Chelsea daqiiqadii 45-aad.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad, Eden Hazard oo caawa si cajiib ah u ciyaarayay ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee Blues daqiiqadii 66-aad kaddib markii uu goolhayaha u gooyay isla markaana uu shabaqa ku hubsaday.

Gonzalo Higuin ayaa markale shabaqa gaaray kaddib baas kale uu ka helay Kante daqiiqadii 69-aad, balse goolkan lama mid ahan kii hore.

Wuxuu ahaa gool Cajiib ah uu ka toogtay Diilinta ganaaxa bannaankeeda isagoona halka sare shabaqa ka qabadsiiyay Cag kulul.

David Luiz ayaa saxiixay goolka shanaad ee Chelsea kaddib markii uu Madaxa ku dhammeystiray kubbad uu u soo karoosay Willian daqiiqadii 86-aad.

SAWIRRO:

G

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close