Bayern Munich oo wali ka quusan la’a raacdada ay ugu jirto da’ayarka kooxda Chelsea Callum Hudson-Odoi

(Bayern) 02 Feb 2019. Guddoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay inuu doonayo in markale la bilaabo howlgalka ay ku doonayaan inay kula soo saxiixdaan da’ayarka Chelsea Callum Hudson-Odoi.

Bayern Munich ayaa ka gudbisay dhowr dalab saxiixa Callum Hudson-Odoi, balse waa ay ku fashilmeen kadib markii ay kooxda reer London ee Chelsea iska soo diiday dhamaanba dalabyadan.

Dalabkii ugu dambeeyay ay Bayern Munich u dirtay kooxda Chelsea ayaa gaarsiisnaa £ 40 million.

Hadaba guddoomiyaha ha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge oo ka hadlayay arintan ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan u maleenayaa in Hasan Salihamidžić uu yahay sida Uli Hoeneß, mararka qaar waxaan ku guuldareysanaa isku dayada ugu horeeya ee aan ku dooneyno inaan ku helno ciyaartoy qaar”.

“Si aan u hesho ciyaaryahan muhiim ah waa inaad bixisaa lacag, waxaan dooneynaa in tayada ugu fiican aan ku heysano halkan Bayern Munich, Hasan wuu ku qanacsanahay awooda iyo tayada laacibkan Odoi”.

Dhinaca kale macalinka kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa gabi ahaanba aaminsan awooda ciyaareed Callum Hudson-Odoi wuxuuna yiri:

“Waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican 18 jirada Yurub, kooxda ayaana ii sheegtay, inuusan marna bixi doonin suuqa Janaayo iyo kan xagaaga ee soo aadan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close