Xidigaha Bakayoko iyo Çalhanoğlu oo jimco wanaagsan idinka soo dhahaya magaalada Barakaysan ee maka

(Maka) 01 Feb 2019. Tiémoué Bakayoko ayaa soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Instagram sawir isaga iyo saaxiibkiis kooxda Milan Hakan Çalhanoğlu oo ku sugan magaalada Barakaysan ee maka.

Bakayoko oo qaab amaah ah ku jooga kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa kulamadii lasoo dhaafay lasoo baxay qaab ciyareedkiisii ugu fiicnaa ee lagu yaqiinay waagii uu ku sugnaa kooxda Monaco.

Laacibka reer France ayaa ku guuldareestay in qaab ciyaareed wanaagsan uu ka sameeyo kooxda Chelsea, kadib markii ay kala soo saxiixatay dhigeeda reer France ee Monaco.

Hadaba labada xidig muslimiinta ah ee kooxda Milan Tiémoué Bakayoko iyo Hakan Çalhanoğlu oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxay jimco wanaagsan idinka soo dhahayaan magaalada Barakaysan ee maka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close