Suarez oo si qiiro leh kaga hadlay xaalada dhaawac ee Neymar Jr

(Barcelona) 01 Feb 2019. Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa xaqiijiyay sida uu u doonayo in waqti dheer uu ku qaato kooxdiisa reer Catalonia.

Luis Suarez ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona wuxuuna yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Barcelona, waxaan doonayaa inaan halkaan sii joogo, lakiin cidna ma oga waxa dhici doona mustaqbalka”.

“Waxaan ku heysanaa farxad iyo raaxo tababare Ernesto Valverde, ciyaartoyda kalsooni ayay ku qabaan, isagana wuu nagu faraxsan yahay”.

“Waan ku faraxsanahay maamulkiisa, dabcan wuxuu ku noolyahay xaalad aad u adag, sababtoo ah ma fududa inaad ku noolaato tiro badan ee xiddigo ah”.

Intaas kadib wuxuu Luis Suarez ka hadlay xaalada dhaawac ee Neymar Jr wuxuuna yiri:

“Waxaan garab istaagayaa Neymar Jr, sababtoo ah dhaawaciisa waa mid aad u daran, waan ku faraxsanaan lahaa hadii uu ku soo laabto Barcelona xagaaga soo aadan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close