RASMI: Isku Aadka Koobka Wayn ee Chan Cup oo la soo saaray….(Yaa lagu beegay Xulkeena Soomaaliya?)

(Afrika) 01 Feb 2019. Waxaa la soo saaray isku aadka tartanka Chan Cup oo ay is reeb reebkiisa ka qeyb qaadanayaan 49 wadan oo qaaradda Afrika ah.

Sida sharciga ah tartankan waxaa loo ogoleyn xiddigaha ka ciyaara meel ka baxsan wadankooda, tusaale Mane, Mahrez, Moses, Benatia, Bailly,Wanyama iyo kuwa kale dhamaan xiddigaas sharciga ayaa u diidayo oo waxaa Fursad u heli doona kaliya xiddigaha ka ciyaara horyaalada dalalkooda.

Tartanka ayaa lagu marti galin doonaa Itoobiya waxa uuna dhici doonaa 2020-ka balse is reeb reebkiisa ayaa lagu wada in bartamaha sanadkaan uu qabsoomo.

Dalkeena Soomaaliya oo qeyb ka ah wadamada bariga iyo bartamaha Afrika ayaa ku aaday Rwanda, waxaana wadankaas wajihi doonaa laba kullan.

Sidoo kale tartankaan waxaa ka qeyb qaadanaya Ghana, Algeria, Maroco, Tunisia, Nigeria, Ivory Coast oo ka mid ah dalalka ugu awooda badan kubadda cagta qaaradda Afrika.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close