DEG DEG: Real Madrid iyo Barcelona oo qoorta la isku galiyay….(El Calsico oo 3-jeer la ciyaari doono Bil gudaheed)

(Spain) 01 Feb 2019. Waxaa la soo saaray isku aadka afar dhammaadka Copa del Rey iyadoona qoorta la isku galiyay kooxaha Tunka wayn ee Real Madrid iy Barcelona.

Lugta hore iyo lugta labaad ayaa la kala ciyaari doonaa 6-da iyo 27-ka Feebaraayo. Iyadoona lagu hor mari doono Camp Nou.

Sheekadan ayaa ka dhigan in Barcelona iyo Real Madrid ay labo jeer ciyaari doonaan El Clasico afar maalmood gudahood, 27-ka Feebaraayo iyo 2-da Marso maadaama ay sidoo kale ku kulmayaan wareega 26-aad ee  La Liga.

Image may contain: 2 people, people standing and text

Barca iyo Madrid kuma aysan kulmin Copa del Rey tan iyo Final kii 2014 kolkaa ay Los Blancos ku adkaatay 2-1 waqtiga dheeriga kaddib gool cajiib ah uu u dhaliyay Gareth Bale.

Waxay noqneysaa kulankii sideedaad oo labada lug ee semi-final ay ciyaaraan labada kooxood, iyadoo kulankii ugu dambeeyay ee afar dhammaadka ay isku qabteen  2012/13  kolkaa ay Real Madrid ku adkaatay 4-2 isku cel celis labada lug.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close