DEG DEG: Dalka Qatar oo markii ugu horreysay ku guuleystay Asian Cup…..(Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Cafiif oo 3-da Goolba lugtiisa uga shaqeeyay)+DAAWO MUUQAAL

(Asia) 01 Feb 2019. Dalka Qatar ayaa markii ugu horreysay tariikhdooda ku guuleystay Asian Cup kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen xulka Jaban.

Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Cafiif oo uu dhalay Hasan Cafiif oo soo matalay Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Horseed ayaa ka wada shaqeeyay saddexda Goolba oo labo ayuu dhiibay kan kalena isaga ayaa dhaliyay.

Waxaa xusid mudan in Cafiif oo u soo ciyaaray kooxo ay ka mid tahay Villarreal uu sidoo kale caawiyay 3-ka mid ah afartii gool uu xulka Qatar kaga soo adkaaday Imaaraadka ciyaartii Semi finalka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Akram Cafiif ayaa labada goolka caawiyay.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Akram ayaa gool rigoore ah u dhaliyay xulka Qatar oo sidaa ku qaaday Asian Cup.

Daawo Goolka uu dhaliyay Akram iyo Labada gool uu Caawiyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close