Solari oo ku eedeeyay Guardiola inuu si ula kac ah isaga indho tiray kooxda Real Madri, kadib markii uu arintan sameeyay

(Real Madrid) 31 Jan 2019. Macalinka kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa ka hadlay iska indho tirka macalinka kooxda Manchester Pep Guardiola ee Los Blancos.

Pep Guardiola ayaa dhawaan iska indho tiray kooxda Real Madrid, kadib markii uu doortay 3-da koox ee aduunka ugu fuucan aragridiisa.

Santiago Solari ayaa kahor kulanka lugta labaad wareega 8-da ee Copa del Rey ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Girona wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id wuxuuna u jawaab celiyay Guardiola.

“Waxay u muuqataa in is indho tirida Pep Guardiola ay ahayd mid ula kac ah”.

“Laakiin kuma dagaalami doono, sababa la xiriira waxa ugu fiican, Real Madrid waa kooxda ugu fiican taariikhda mudooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo aan cidna wax loo dhimeynin”.

“Waxaan u dagaalameynaa dhamaan tartamada aan ciyaareyno, sababtoo ah ciyaartoyda waxay sameynayaan dadaal kasta, wayna ku kalsoon yihiin inay sidaas sameyn karaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close