SAWIRRO: Saxiixa Cusub ee Arsenal oo durba Tababarka bilaabay laakiin……..

(London) 31 Jan 2019. Saxiixa Cusub ee Arsenal Denis Suarez ayaa durba bilaabay Tababarka Cusub ee kooxdiisa.
Laakiin Laacibka reer Spain ayaa tababarka qaadanayay kaligiis iyadoo ayna suuro gal tahay inuu Axada ka horyimaado kooxdiisa hore ee Man City kuwaa oo uu waqti gaaban la joogay bilowga waayihiisa ciyaareed.
Suarez ayaa amaah ku joogi doona Emirates inta ka harsan kal ciyaareedka, laakiin Gunners waxay heysataa dooqa inay 20-milyan si toos ah ugu iibsato suuqa xagaaga.
SAWIRRO:
Gool FM.