RASMI: Peter Crouch oo markale dib ugu soo laabtay ka ciyaarista Premier League…(Kooxdee Ayuu Ku Biiray?)

(England) 31 Jan 2019. Kooxda Burnley ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay sameysay saxiixa waayeelka reer England ee Peter Crouch.

Peter Crouch oo haatan da’adiisu tahay 38 jir ayaa u saxiixay kooxda Burnley heshiis ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Kooxda ka dhisan dalka England ayaa ku qortay website-keeda rasmiga ah iyo baraheeda bulshada ah sida Twitter, Facebook iyo Ingestam in Peter Crouch ay kala soo saxiixatay kooxda Stoke City.

Burnley ayaa markale dib ugu soo celisay Peter Crouch ka ciyaarista horyaalka Premier League, kadib markii ay kooxdiisa Stoke City dib ugu laabatay horyaalka heerka koowaad xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Burnley ayaa ku sheegay warkeedan rasmiga ah in Peter Crouch uu u xiran doonoo maaliyada No. 15-aad safarkiisan cusub ee horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close