Miyay Ilaaween Colaada wayn ee ka dhaxeysa kooxahooda Man United iyo Liverpool?….+SAWIRRO

(England) 31 Jan 2019. Paul Pogba iyo Maxamed Saalax waxaa la arkaa inay yihiin xiddigaha hormuudka u ah labada koox ee ugu tunka wayn Ingiriiska balse xifaaltankooda dhinac ayay iska dhigeen maanta oo Khamiis ah.

Xiddigaha u kala safta labada koox ee sida wayn u coltama ee Manchester United iyo Liverpool ayaa si wada jir ah u galay Sawiro loo qaadayay Adidas.

Pogba ayaana Sawirada soo dhigay poggiisa Twitter ka isagoona soo raaciyay:

“Waxaan qorshe hoose la degayaa Boqorka Masar.”.

Labada xiddig ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican iyadoo uu Maxamed Saalax hogaaminayo gool dhalinta Premier League isla markaana ay kooxdiisu hogaanka ku heyso shan dhibcood oo nadiif ah.

SAWIRRO:

Pogba shared two pictures alongside the Liverpool and Egypt international Salah

Paul Pogba (L) and Mohamed Salah put their rivalries aside at an adidas shoot on Thursday 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close