RASMI: Paris Saint-Germain oo shaacisay mudada uu garoomada ka maqnaanayo Neymar Jr

(PSG) 30 Jan 2019.Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay in xidiga reer Brazil ee Neymar Jr aanu qaliin looga sameyn doonin lugta midig, isla markaana uu mari doono kaliya xaalad baxnaano xiliyada soo aadan.

War rasmi ah ay ku shaacisay kooxda Paris Saint-Germain website-keeda ayaa waxay ku sheegtay.

“PSG waxay kulmisay khabiiro caafimaad ee si wanaagsan loo yaqaano, isla markaana wax ku ool ah, si looga hadlo xaalda dhaawaca Neymar Jr”.

Neymar Jr ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray canqawga lugtiisa midig intii uu ku gudi jiray kulankii PSG iyo Strasbourg.

Warkan kasoo baxay kooxda PSG ayaa waxaa intaas lagu daray:

“Kadib markii la is dhaafsaday xogta dhakhtarrada, waxaa la isku raacay in la iska ilaaliyo qalliinka, si uu laacibka u heli kaliya daaweyn si loo baxnaaniyo dhaawaciisa”.

“Waxay ku qaadan doontaa Neymar in uu garoomada ka maqnaado mudo 10 toddobaad ah”.

“Paris Saint-Germain waxay jeceshahay inay muujiso sida wayn ay u garab taagan tahay Neymar Jr, si looga gudbo dhaawaciisa, si leh go’aan iyo geesinimo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close