HORDHACA: Kulanka finalka Super Cup-ka ee Dekedda vs Muqdisho City iyo xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay labadan kooxood kahor kulankan

(Soomaaliya) 30 Jan 2019. Koobka Super Cup-ka dalka ayaa lagu wada in galabta la ciyaaro kulankiisa qura ee go’aamin kara kooxda koobka qaadi karta xili ay ku hardamayan kooxaha Dekedda fc iyo Muqdisho City Club Ex Banadir Sports Club.

Koobkan sida caadada ah waxaa wada ciyaara labada kooxood ee kusoo kala  guuleysta labada koob ee kala ah Horyaalka Somali Premier League iyo koobka General Daa’uud.

Kooxda Dekedda ayaa ku soo guuleysatay horyaalka Somali Premier League markii labaad oo xiriir ah xili Wiilasha Muqdisho City Club ay gacanta ku soo dhigeyn koobka lagu maamuso  sanad walba aas aasihii ciidanka xuuga dalka Soomaaliya Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse, waxaana ay ka qaadeyn  kooxda ku suntan magaca koobkan ee Horseed.

Kulankan xiisaha badan ayaa wuxuu ka dhici doona garoonka Banadir Stadium ee dhaca  Degmada Cabdicasiis.

KULAMADA FOOL KA FOOLKA:

Kooxda xafidaneysa horyaalka Somali Premier League ee Dekedda ayaa u muuqaneysa mid ka itaal roon dhigooda Muqdisho City Club maadama 10-kii kulan ee ugu dambeysay ay ka guuleysteyn 5-kulan halkan shanta kalana ay dhibcaha kala qaateyn labada dhinac .

Kulankii ugu dambeyay ay is arkan labadan kooxod waxey ku kala baxeyn bar bao 1-1, ciyaar ka tirsaneyd tartanka koobka General Daa’uud sanadkii dhamaaday 2018-.

Muqdisho City Club oo dadka badi ay u yaqaanan Banadir Sports Club ayaa dareensa in kooxda wajihi doonto ee Dekedda ay tahay kooxdii sanadkii la soo dhaafay hal dhibac oo qura kaga qaaday horyaalka Somali Premier League.

Hogaamiyaha reer Uganda ee Hussien Mblango ayaa ku dhiban in uu guul ka gaaro kooxda Dekedda tiiyo ay jirto in mudo afar sano ah uu leelinayo kooxda faca weyn ee Muqdisho City Club.

XAQIIQOOYINKA DEKEDDA FC:

Kooxda Dekedda ayaa waxaa ka hor imaan doona goolhayihii ka saaciday iney ku guuleysato horyaalka Somali Premier League ee Saciid Yamani  kaa oo iminka shaqada u ilaalinaaya naadiga Muqdisho City, kuna darso waa goolhayaha ugu qaalisan horyaalka.

Dekedda ayaa lumisay qaar kamid ah xidigiihi u gacan galiyay horyaalka Soomaaliya kal ciyaareedkii tagay 2017-18, iyago ka bixitaanka kooxdooda ee xidigahaasi ku asturi kara iney dib u soo ceshteyn mid kamid xidigaha ugu halista badan looguna jacelyahay dalka ee Cabdicasiis Catoosh.

Naadiga Dekedda wali waxaa ka dhax guuxaya guuldaradii ka soo gaartay kooxda Elman Koobka Super Cup-ka sanadkii dhamaaday xili laga gacan maroojiyay wiilasha Yu Cali Koobkan ay galabta dheeleyso.

Wiilsha Dekedda ayaa maalmihii la soo dhaafay muujinayay u diyaar garowga kulanka finaalka koobka Super Cup-ka Dalka.

XAQIIQOOYINKA MUQDISHO CITY CLUB:

Xidigii hore kooxda Muqdisho City Club Caadil Nuur Cali ayaa markii ugu horeysay wajihi doona kooxdii uu waqtigiisa ugu badnaa ee kubadda cagta uu ku qaatay ee MCC Ex-Banadir Sports Club isago xiran maaliyada kooxda Dekedda.

Wiilasha Hussien Mbalango ayaa wali dareemaya xanuunkii iyo jahwareerkii ay ka soo qaadeyn natiijadii bar dhamaadka koob lagu xusayay allaha U naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad kadib markii ay la ciyaareyn kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  ee Heegan.

Xidigaha Muqdisho City Club ayaa doonaya iney meesha ka saaran taariikhda xun ee diiwanga ugu qoran taas oo ah in aysan guul ka gaarin Dekedda 10-kii Kulan ee Ugu Dambeysay oo ay Dekedda ku wajahan dhamaan tartamada oo  dhan, mana ku qanci doonan wax aan aheyn guul ay ka soo hooyan dheesha Dekedda.

Muqdisho City Club ayaa waxey weyn doonta xidigaha Kala ah Jeyna iyo Cabdiqaadir Eenow Bantike kuwaaso oo dhaawacyo kala duwan ugu maqan kooxdooda.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Kooxaha: Muqdisho City Club Vs Dekedda Fc

Tartanka: Super Cup-ka Dalka

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:45

Qiimaha: Lacag La’aan

Jawiga Garoonka: 30° /24°C

W/Q: C/fitaax Naani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close