Arsenal oo Gacanta ku soo dhigtay Xiddiga Barcelona ee Suarez

(London) 30 Jan 2019. Arsenal ayaa dhammeystirtay Saxiixeedii ugu horreeyay suuqa Janaayo kaddib markii ay dhammeystirtay Heshiiska amaahda ay Barcelona uga soo qaadaneyso Denis Suarez.

Gunners ayaa  laacibka reer Spain ku soo qaadatay heshiis amaah ah inta ka harsan kal ciyaareedkan.

Laakiin waxay sidoo kale heysataa dooq ah inay xagaaga si toos ah ugu iibsan karto adduun dhan 20-milyan oo bound haddii uu wacdaro ka dhigo Premier League.

25-jirka ayaa ku dhibtooday Barcelona oo uu boos joogta ah ka heli waayay balse macalinka Arsenal ee Emery ayaa iminka ku kalsoon in Suarez uu tayo ku soo kordhin doono gegada Emirates.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close