DE DEG: Dekadda oo ku dur-durisay Muqdisho City Club kuna guuleysatay Somali Super Cup….+SAWIRRO

(Muqdisho) 30 Jan 2019. Dekadda ayaa si sahlan Super Cup Somalia uga qaaday dhigeeda Muqdisho City Club Ex Banadir Sports Club kaddib markii ay ku garaacday 3-0.

Qeybta hore ee Ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Kabtanka Dekadda Cabaas ayaa goolka ugu daah furay qeybta hore kooxdiisa iyadoona sidaa lagu kala maray.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad waxaa Dekadda goolka labaad u saxiixay Akram oo ajnabi ah, halka Goolka saddexaad uu dhaliyay Towfiiq.

Muqdisho ayaa heshay labo rigoore balse iska khasaarisay kaddib markii mid laga qabtay midna ay hawada mariyeen.

Macalin Yuu Cali ayaa labadii sano ee la soo dhaafay Horyaalka Somalia Premier League farta ka saaray Dekadda maantana wuxuu ugu daray Somali Super Cup.

Hambalyo Hambalyo ayaan leenahay Dekadda FC.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close