Barcelona oo soo laabasho cajiib ah ku sameesay Cump Nou, kadib markii ay si xun u xasuuqeen kooxda Sevilla + SAWIRO

(Copa del Rey) 31 Jan 2019. Kooxda Barcelona ayaa sameesay soo laabasho cajiib ah kulanka lugta labaad wareega 8-da Copa del Rey, kadib markii ay ku xasuuqeen kooxda Sevilla 6-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay hogaanka ku heysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 13 Philippe Coutinho ayaa ciyaarta ka dhigay 1-0, kadib markii uu dhaliyay gool rigoore ahaa.

27 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Ever Banega ayaa ka qasaariyay kooxdiisa Sevilla rigoore uu garsooraha ku abaal mariyay.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa la timid goolka 2-aad ee ciyaarta waxaana daqiiqadii 31-aad ciyaarta 2-0 ka dhigay Ivan Rakitic.

Qeybta labaad marka dib leysigu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay sameeyeen fursado cajiib ah, inkastoo ay Barca ay ahayd kooxda ku gacan sareesay garoonkeeda Cump Nou.

53 daqiiqo Philippe Coutinho ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0, kadib caawin uu ka helay Luis Suarez.

54 daqiiqo Sergi Roberto ayaa dheesha ka dhigay 4-0.

Laakiin 68 daqiiqo marka ay mareesay dheesha ayay kooxda Sevilla la timid gool waxaana ciyaarta 4-1 ka dhigay Guilherme Arana.

Laakiin gaba gabagabada ciyaarta Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda 5-aad ee ciyaarta waxaana dhaliyay Luis Suarez oo ciyaarta ka dhigay 5-1.

Lionel Messi ayaa 90-ka daqiiqo soo xiray bandhiga goolasha wuxuuna ka dhigay 6-1 oo ugu dambeyntii ay ciyaarta ku soo idlaatay.

Wadarta guud ee labada lugood ayay ku soo idlaatay 6-3, maadaama ay kooxda Sevilla ay ku adkaatay kulanka lugta hore 2-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close