Tababaraha Man United Solskjaer oo wajahaya Tijaabadii ugu darneyd….(Arag Kulamo Waali ah oo la isugu xijiyay)

(England) 29 Jan 2019. Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa wajahaya Tijaabadii ugu adkeyd kaddib markii la soo saaray kulamo Waali ah oo isugu xiga.

Macalinka ku meel gaarka ah ee Red Devils ayaan weli laga adkaan 8-kulan uu ilaa iminka ciyaaray, balse 12-maalmood gudahood ayuu ku wajihi doonaa PSG, Chelsea iyo Liverpool.

Man United ayaa marka ay Champions League la ciyaarto kooxda reer France ee PSG 12-ka bisha soo socota ayay misane maalmo yar kaddib u safri doontaa kooxda Chelsea si ay ula ciyaarto wareega 5-aad ee FA Cup inkastoo aan weli la shaacin waqtiga rasmiga ah ee Blues vs Man United.

Kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Liverpool ayay misane  ku marti qaadi doonaan Old Trafford kulan ka tirsan Premier League 24-ka Feebaraayo.

EEG Kulamada isugu xiga Man United:

 

No photo description available.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close