Solskjaer oo CAAWA sameyn doona TAARIIKH aan Ebid horey uga dhicin Premier League

(England) 29 Jan 2018. Manchester United ayaa isha ku heysa Caawa inay gaarto guushii 7-aad oo xiriir ah horyaalka Premier League marka ay Old Trafford ku marti galineyso kooxda Burnley.

Haddii ay dhacdo midaa oo ay Caawa guul gaarto Red Devils Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhigi doona Rikoodh aan ebid horey uga dhicin Premier League.

Wuxuu noqon doonaa tababarihii ugu horreeyay ebid ee adkaada Todobadiisa kulan ee ugu horreysay Premier League.

Carlo Ancelotti (Chelsea) iyo Pep Guardiola (Man City) ayaa adkaaday 6-doodii kulan ee ugu horreeyay horyaalka Ingiriiska balse Solskjaer ayaa caawa far dheeraan doono haddii uu ka adkaado Burnley.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close