SAWIRRO: Garsoorayaal Soomaaliyeed oo Siminaar loogu furay Muqdisho

(Muqdisho) 29 Jan 2019. Hotelka Wardheere  ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Siminaar heerkiisu sareeyo kaasoo sare loogu qaadayo tayada garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Siminaarkaan ayaa waxaa bixinayay Calı Sacııd   oo ah kaaliyaha xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ahna macallinka ka tirsan FIFA.

Waxaa goobta laga jeediyay qudbado kala duwan oo lagu dhiira gelinayo garosoorayaasha u diyaar garoobaya qabashada horyaaka billaaban doona ee Somali Premier League.

Siminaarka waxaa furay guddoomiye ku xigeenka koowaad xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Mudane Cali Shiine waxa uuna  u mahad celiyay macalimiinta waqtiga galinaya in ay sarre u qaadaan tayada garsoorayaasheena.

Dalkeena ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee sanadka cusub 2019  Siminaar ka hela FIFA  sida uu sheegay Calı Sacııd oo ka mid ah macallimiinta u diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta adduunka.

Ma aha markii ugu horaysay oo Siminaar nuucaan ah lagu qabto Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadaneysa  ku dhawaad 30 garsoore oo u diyaar garoobayo qabashada horyaalka Somali Premier League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close