RASMI: Juventus oo ku dhawaaqday Saxiixeeda cusub

(Juventus) 29 Jan 2019. Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay sameysay saxiixa difaaca kooxda Lazio Martín Cáceres ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan.

War saxaafadeed ay soo saartay Juventus website-keeda ayay ku xaqiijisay inay bixiyeen aduun dhan 600,000 euros si ay ugu sameeyaan saxiixa Martín Cáceres si ku meel gaar ah ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Martín Cáceres ayaa horey ugu soo ciyaaray kooxda Juventus xili ciyaareedkii 2009-2010, kahor inta uusan labo sano kadib dib ugu soo laabanin isaga oo kula guuleystay 4 jeer horyaalka Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, tartanka xoogan ee ka jira kooxda Juventus iyo dhaawacyo joogta ah uu la kulmay 31 jirkan ayaa sababay inuu ka dhaqaaqo kooxda marwada duqda ah, si uu u maro tijaabooyin cusub wuxuuna ku biiray kooxo ay ka mid yihiin Southampton, Verona iyo Lazio.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close