Newcastle United oo guul cajiib ah kaga gaartay kooxda Man City garoonkeeda St. James’ Park + SAWIRO

(Premier League) 30 Jan 2019. Kooxda Newcastle United ayaa guul cajiib ah kaga gaartay garoonkeeda St. James’ Park dhigooda Manchester City, kulankooda 24-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 1-aad ee bilawga qeybta koowaad ciyaarta Sergio Aguero ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kadib markii uu caawinta goolkan ka helay David Silva.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta ayaa noqotay mid xiiso badan iyadoo kooxda martida loo ahaa ee Newcastle United ay iska caabin xoogan kala hortagtay Sky Blues. .

Daqiiqadii 66-aad Newcastle United ayaa la timid goolka barbaraha waxaana u dhaliyay Salomon Rondon oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Waxaaba intaas ka sii daran 80 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Matt Ritchie ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Newcastle United wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyna ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay kooxda Newcastle United  dhigeeda Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close