Laacib SOOMAALIYEED oo SABAB u noqday in Xulka Qatar uu markii ugu horreysay Taariikhda soo gaaro Finalka Asian Cup…..(DAAWO MUUQAAL)

(Asia) 29 Jan 2019. Xulka Qatar ayaa isa soo taagay Ciyaarta kama dambeysta ah ee Asian Cup iyadoo uu midaa ka caawiyay Wiilka Soomaaliyeed ee lagu Magacaabo Akram Hassan Afif.
Cafiif ayaa ka soo shaqeeyay oo caawiyay saddex ka mid ah 4-ta gool uu xulka Qatar dhawaan uga adkaaday Imaaraadka Semi Final ka tartanka.
Wuxuu Caawiye ka ahaa Goolasha kala dhashay Daqiiqadaha 22, 37 iyo 80-daqiiqo.
🅰️ 22′
🅰️ 37′
🅰️ 80′Akram Afif provided a hat-trick of assists in Qatar’s 4-0 Asian Cup semi-final win vs. UAE. pic.twitter.com/xAPktxKb6E
— Squawka Football (@Squawka) January 29, 2019
Akram Cafiif waxaa dhalay Hasan Cafiif oo soo matalay Xulka Qaranka Soomaaliya iyo waliba naadiga Cawo iyo Maalin Horseed.
Afif waa 22-jir sidoo kale u soo ciyaaray naadiga Villarreal ee dalka Spain.
Qatar oo markii ugu horreysay soo gaartay Finalka ayaa la ciyaari doonta Japan ooba waligiis ku guul darreysan ciyaarta kama dambeysta ee Asian Cup.
🇯🇵 Japan never lost in the #AsianCupFinal!
🇶🇦 Qatar have never been in the #AsianCupFinal!
Who will be #AsianCup2019 champions? 🏆 pic.twitter.com/gZFwWiyOC7
— #AsianCup2019 (@afcasiancup) January 29, 2019
Guul ayaan u rajeynaynaa Akram Cafif.
DAAWO GOOS GOOSKA kulankii uu CAFIIF caawiyay 3-da Gool:
Gool FM.