“Darbadii Koowaad ayuuba ku dhaliyay Goolkiisii ugu horreeyay.”.- Weeraryahanka Cusub ee Milan oo ka Yaabsaday Taageerayaasha kooxda kaddib 2-gool uu daqiiqado yar gudahood uga dhaliyay Napoli….+SAWIRRO

(Italy) 29 Jan 2019. Weeraryahanka Cusub ee AC Milan Krzysztof Piatek ayaa ka yaabsaday Taageerayaasha kooxda kaddib markii uu goolkiisii koowaad ku dhaliyay Darbadii ugu horreysay uu goolka la bartilmaameedsado.

Piatek oo ka soo tagay Genoa ayaa muddo gaaban uu u joogay u dhaliyay goolal badan wuxuuna iminka durba sheekadii ka sii bilaabay kooxdiisa Cusub.

Milan ayaa iminka la ciyaareysa Nopoli kulan ka tirsan Coppa Italia.

Qeybta hore ayaa dhawaan idlaatay Milan ayaana labo gool ku horkaceysa uu u dhaliyay Saxiixooda Cusub ee Piatek.

Daqiiqadii 11-aad ayuu ku daah furtay goolka koowaad halka uu kan kale dhaliyay daqiiqadii 27-aad, waxa la sugaba waa goolkiisa saddexaad.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close