Arsenal oo guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Cardiff City Emirates Stadium + SAWIRO

(Premier League) 30 Jan 2019. Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah kaga gaartay dhigeeda Cardiff City kulankii 24-aad ee horyaalka Premier League, kadib markii ay kaga badiyeen 2-1.

Qeybta hore ciyaarta ayaa ku kala nasteen kooxaha Arsenal Vs Cardiff City barbaro 0-0 ah.

Marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta Arsenal ayaa ku soo gashay si fir fircooni ah waxayna sameeyeen fursado badan si ay u gaaraan shabaqa kooxda Cardiff City.

Si kastaba daqiiqadii 66-aad Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hogaanka u diibay kooxdiis Arsenal, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0,  kadib gool rigoore ah uu dhaliyay.

Kooxda martida ahayd ee Cardiff City ayaa iska caabin xoogan kala hortagay Gunners, waxayna isku dayeen inay sameeyaan fursado ay goolka barbarha kula imaan karaan.

Balse daqiiqadii 83-aad Alexandre Lacazette ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, kadib markii uu dhaliyay gool cajiib ah uu lasoo dhex jeexay daafacyada kooxda Cardiff City.

Daqiiqadii 90-aad xidiga kooxda Cardiff City ee Nathanie Mendez-Laing ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay Arsenal ku xasuuqday kooxda Cardiff City.

Tributes were paid to Emiliano Sala during Arsenal's clash with Cardiff on Tuesday evening

Cardiff fans hold up a mock Argentina flag which reads: 'Emiliano Sala forever a bluebird'

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close