RASMI: Goorta la ciyaarayo Somali Super Cup oo la shaaciyay….(GoolFM oo Doorkan ka ciyaari doonta kulanka)

(Muqdisho) 28 Jan 2019. Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliya ayaa si Rasmi ah u shaaciyay goorta la ciyaarayo Ciyaarta kala baxa ah ee Super Cup Somalia kaa oo dhex mari doona Dekadda iyo Banaadir SC oo iminka la baxday Magaca Muqdisho City Club.

Maamulka Benaadir ayaa la wareegay kooxda Benaadir oo u bixiyay magaca Muqdisho City Club iyaga ayaana maalgalin doona wixii markaan ka dambeeya.

Dekadda ayaa ku soo guuleysatay horyaalka Soomaaliya halka Muqdisho ay soo qaaday Jenaraal Daa’uud taa oo ka dhigan in labada kooxood ay fooda isku dari doonaan Somali Super Cup.

30-ka bisha oo ku beegan Arbacada soo socota saacada markey tilmameyso 3:00 Galabnimo ayuu kulanka ka dhici doonaa Benaadir Stadium hadduu eebe idmo.

Shirkadda Caalamiga ah ee Hormuud Telecom ayaa kaaba galineysa kulanka kaddib heshiis ay la gaartay xriirka kubbada cagta Soomaaliya.

Idaacada Gool FM ayaa si toos ah idin kugu tabin doonta kulanka halka Boggeena Goolfm.net uu idinla wadaagi doono Natiijada, Sawirro iyo waliba macluumaad dheeri ah insha’alaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close