RASMI: Alvaro Morata oo ku biiray kooxda Atletico Madrid

(Atletico) 28 Jan 2019. Kooxda Atletico Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday daqiiqado kahor inay dhameystirtay saxiixa laacibka reer Spain ee Alvaro Morata.

Alvaro Morata ayaa kaga soo dhaqaaqay kooxda Chelsea heshiis amaah ah ee gaarsiisan ilaa iyo 18 bilood, taasoo la macno ah hal xili ciyaareed iyo bar.

Atletico Madrid ayaa si rasmi ah ugu xaqiijisay website-keeda rasmiga ah iyo sidoo kale bogaga rasmiga ah ay ku leedahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, inay dhameystirtay saxiixa Morata.

Kooxda ka dhisan caasimada Madrid ayaan wax faahfaahin dheeri ah ee ku aadan heshiiska Alvaro Morata kaga bixinin qoraalkeedan, iyadoo ay jiraan warar qaar ee sheegaya in Atletico Madrid ay si toos ah ula wareegi karto Morata kadib dhamaadka heshiiskan amaahda ah.

Atletico Madrid ayaa dhinaca kale sheegtay in Alvaro Morata uu doortay inuu xirto maaliyada No. 22-aad ee Kooxdeeda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close