Mid ka mid ah halyeeyada Chelsea ah oo kala taliyay Callum Hudson-Odoi mustaqbalkiisa Blues

(Chelsea) 28 Jan 2019. Halyayga reer Holand iyo kooxda Chelsea Ruud Gullit ayaa kala taliyay da’ayarka reer England ee Callum Hudson-Odoi arimaha ku aadan mutaqbalkiisa.

Callum Hudson-Odoi ayaa lala xiriirinayaa inuu ku biirayo kooxda reer Germany ee FC Bayern Munich oo la fahansan yahay in laacibkan ay si xoogan u daneenayaan saxiixiisa.

Image result for Ruud Gullit and  Callum Hudson-Odoi

Hadaba Ruud Gullit ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada BBC-da wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Callum Hudson-Odoi wuxuuna yiri:

“Callum Hudson-Odoi waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, wuxuu doonayaa inuu ciyaaro, laakiin wuxuu loolan adag kala kulmayaa kooxda Chelsea, waxaana jira ciyaaryahano badan ee ku hor gudban”.

“Waxaan qabaa in Chelsea ay ku jireyso xaalad shaki ah, sababtoo ah waxay ogyihiin awoodiisa, lakiin haatan waxay heystaan fursado fiican”.

“Hadii uu Hudson-Odoi yahay canug yar, waxaan u sheegi lahaa inuu baxo si uu u helo fursad uu ku ciyaaro”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close