Bale oo BOQOLKA xiray

(Madrid) 28 Jan 2019. Gareth Bale ayaa xalay Real Madrid u dhaliyay goolkiisii Boqolaad ciyaartii ay 4-2 uga adkaadeen naadiga Espanyol.

14-ka bishii September 2014, Gareth Bale ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay Real Madrid markaa ay kooxdiisu u safreysay Villarreal.

Garoonka loo yaqaanay El Madriga, xiddiga reer Welsh ayaa Los Blancos ugu daah furay goolkiisii ugu horreeyay daqiiqadii 38-aad markii uu ka faa’iideystay kubbad uu dhanka midig ka keenay Dani Carvajal.

1,956 maalmood kaddib, Bale ayaa dhaliyay goolkiisii 100 aad ee Real Madrid kaddib markii uu shabaqa gaaray daqiiqadiii 66-aad ciyaartii ay xalay 4-2 ku suul daareen Espanyol.

75-gool ayuu ka dhaliyay La Liga, 2-gool Copa del Rey, 17-gool Champons League iyo 6-gool Koobka Kooxaha Adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close