Solari oo ku dhawaaqay liiska xidigaha Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka adag caawa ee Espanyol

(Real Madrid) 27 Jan 2019. Macalinka kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa ku dhaaqay liiska xidigaha Los Blancos ee ka qeyb galaya kulnka caawa ee Espanyol, kaasoo ka tirsan kulamada 21-aad ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa fadhida booska 4-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxayna 10 dhibcood farqi ah u jiraan hogaamiyaasha Barcelona.

Wiilasha Santiago Solari ayaa kulanka caawa waxay doonayaan iny guul gaaraan, si ay kooxda Sevilla kaga soo ceshtaan booska 3-aad.

Waxaa liiska xidigaha uu ku dhawaaqay Santiago Solari ku soo baxay Gareth Bale, kadib markii uu kasoo kabtay dhaawacii uu qabay tan iyo bishii lasoo dhaafay, sidoo kale Marcos Llorente iyo Toni Kroos ayaa iyagana qeyb ka ah.

Laakiin sidoo kale waxaa liiskan ka maqan in ka badan hal ciyaaryahan kuwaasoo kala ah Keylor Navas, Marco Asensio, Jusus Vallejo.

Hadaba xidigaha ku soo baxay liiskan si ay kaga qeyb qaataan kulanka caawa ee Espanyol, ayaa kala ah:

Goolhaayeyaasha: Thibaut Courtois Luca Zidane, alotaibi.

Difaacyada: Carvajal, Ramos, Nacho, Varane, Marcelo, Reguilón.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Modrić, Casemiro, Marcos Llorente, Brahim Díaz, Isco, Ceballos.

Weerarka: Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vasquez Vinícius Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close