Real Madrid oo guul weyn ay u qalantay kaga soo gaartay Kooxda Espanyol RCDE Stadium + SAWIRO

(La Liga) 28 Jan 2019. Real Madrid ayaa guul weyn kaga soo gaartay kooxda Espanyol oo ku sugneyd garoonkeeda RCDE Stadium, kadib markii ay ku xasuuqeen 2-4, kulankooda 21-aad xili ciyaareedkan ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-3 ay ku hogaamineesay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 4-aad ee isla bilawga ciyaarta Karim Benzema ayaa doaah furay bandhiga goolasha wuxuuna ciyaarta ka dhigat 1-0.

15 daqiiqo Sergio Ramos ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, xili uu caawinta goolkan lahaa Luka Modric.

Laakiin kooxda Espanyol ayaa la timid gool waxaana daqiiqadii 25-aad  u dhaliyay laacibka Leo Baptistao ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.

Balse 45 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta ahna kii 3-aad ee kooxda Real Madrid waxayna sidaas dheesha ku noqotay 1-3 ay ku hogaamineyso Los Blancos.

64 daqiiqo Gareth Bale ayaa hurdo dheer u diray kooxda Espanyol wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-4.

Raphael Varane ayaa qaatay kaarka roosaha 72 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd.

kooxda Espanyol ayaa markan dhalisay goolkeeda 2-aad ee ciyaarta waxaana dheesha 2-4 ka dhigay xidigooda Roberto Rosales.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-4 ay kooxda Real Madrid kaga soo adkaatay Espanyol oo ku ciyaareysay garoonkeeda RCDE Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close