Kooxda Barcelona oo guul muhiim ah kaga soo gaartay Girona garoonkeeda Estadi Montilivi+ SAWIRO

(La Liga) 27 Jan 2019. Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah kaga soo gaartay Girona garoonkeeda Estadi Montilivi kulankooda 21 ee horyaalka La Liga, kadib markii ay kaga soo adkaadeen 2-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Daqiiqadii 9-aad Nelson Semedo ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Barcelona ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad marka dib leysigu soo laabtay Barcelona ayaa halkeeda ka sii waday in ay cadaadiso Girona oo ku dhex sugneyn jamaahiirteeda, bale awoodi weysay inay kaga faa’ideysato.

Daqiiqadii 51-aad Girona ayaa xaalada ku sii xumaatay kadib markii ay noqdeen 10 xidig, waxaana calaamad roosaha laga siiyay xidigooda Bernardo Espinosa.

68 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Lionel Messi ayaa dheesha ka dhigay 2-0, waxaana caawinta goolkan lahaa Jordi Alba.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guul muhiim ah kooxda Barcelona kala soo laabatay Estadi Montilivi, iyaga oo sii dheereystay hogaanka horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close