Chelsea oo u soo baxday wareega 5-aad ee FA Cup-ka, kadib markii ay guul muhiim ah ka gaareen kooxda Sheffield Wednesday+SAWIRO

(England) 27 Jan 2019. Kooxda Chelsea ayaa u soo baxday wareega 5-aad ee koobka FA Cup-ka, kadib markii ay guul muhiim ah 3-0 kaga gaareen Sheffield Wednesday.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nestay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 26-aad ee qeybta ciyaarta Willian ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiis Chelsea wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kadib markii uu dhaliyay gool rigoore ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay Chelsea ayaa sameesay qaab ciyaareed cajiib ah waxayna sameeyeen fursado badan.

64 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Callum Hudson-Odoi ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, kadib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Andreas Christensen.

Laakiin daqiiqadii 83-aad Willian ayaa markale gaaray shabaqa kooxda Sheffield Wednesday, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 ay ku adkaatay kooxda Chelsea, waxayna kula midoobeen wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka kooxaha reer Manchester oo xili hore iska xaadiriyay wareegan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close