Alvaro Morata oo si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaad uu maanta u maray kooxda Atletico Madrid

(Madrid) 27 Jan 2019. Weeraryahanka reer Spain ee kooxda Chelsea Alvaro Morata ayaa diyaar u ah inuu kusoo muuqdo kulamada soo socda maaliyada kooxda Atletico Madrid, kadib markii si guul ah uu kaga gudbay tijaabada caafimaad uu maanta u maray kooxda reer Spain.

“Wax walba waa ay fiican yihiin” sidaas waxaa yiri weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata, kadib markii uu ogaaday in caafimaadkiisa uu heer sare yahay, kahor inta uusan si rasmi ah heshiiska ugu saxiixin kooxda Atletico Madrid, waa sida laga soo xigtay wargeyska caanka ah Marca ee dalka Spain.

Alvaro Morata ayaa laga yaabaa in isla maanta uu la qaato tababarkiisa koowaad  kooxda Atletico Madrid uu hogaaminayo Diego Simone.

Sida laga soo xigtay wargeysyo dhowr ah, weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid ayaa u saxiixi doono Atletico Madrid uu sidoo kale horey u soo maray heshiis gaarsiisan 18 bilood ah amaah ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close