Maamulka AC Milan oo Weeraryahankooda Cusub ee Piatek u diiday inuu xirto Lambarka 9-aad ee Kooxda…..(Ogoow Sababta)

(Milan) 26 Jan 2019. Weeraryahanka Cusub ee AC Milan Krzysztof Piatek ayaa waydiistay kooxdiisa dhawaan galka ah in loo xiro Lambarka 9-aad balse Maamulka ayaa ka diiday oo u dhiibay Lambarka 19-aad.

Naadiga lagu naaneyso Rossoneri waxaa Lambarka Sagaalaad horey ugu soo xirtay xiddigo waa wayn sida  Filippo Inzaghi, Marco Van Basten, Andriy Shevchenko iyo waliba Gonzalo Higuin oo waqti gaaban u xirnaa.

Related image

Kaliya lix bilood uu laacibka reer Polish ku sugnaa kubbada Cagta Talyaaniga ayaa wuxuu dhaliyay 19-gool 21-kulan uu u saftay Genoa taa oo dhalisay inay soo qabtaan indhaha kooxo mug leh sida Milan.

Yeelkeede, Maamulka Milan ayaa diiday dalabka laacibka ee ahaa in loo xiro Lambarka 9-aad iyagoona u sheegay inuu kasbado sharafta Lambarkaas.

“Haddii aan Daacad u hadlo, wuxuu na waydiistay Lambarka 9-aad, laakiin Lambarka waa inuu kasbadaa waayo waa Lambar muhiim ah.”. Agaasimaha Farsamada kooxda ee Leonardo ayaa sidaa yiri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close