Kabtanka Chelsea iyo Tababare Sarri oo Muran Xoogan ku dhex maray Garoonka Tababarka, Laacib wayn oo la saftay Azpilicueta….(Maxaa la isku qabtay??)

(London) 26 Jan 2019. Kabtanka Chelsea Cesar Azpilicueta iyo Tababare Sarri ayaa muran xoogan ku dhex maray tababarka kooxda Isniintii.

The Times ayaa warineysa in daafaca reer Spain ay erayo kul kulul ay is dhaafsadeen tababarihiisa kaddib guul daradii Chelsea ka soo gaartay Arsenal.

Azpilicueta ayaa ah Kabtan magac u yaal ah maadaama uu macalinka reer Talyaani keydka ku ilaaway kabtanka ku magacaaban kooxda ee Garry Cahill.

Xiddiga reer Brazil Willian ayaa taageero xoogan u muujiyay Azpilicueta intii ay macalinka doodayeen kaa oo si xun u dhaleeceeyay xiddigihiisa kaddib guul daradii Gunners.

 Azpilicueta and Willian approached Sarri over his criticism of the players after the Arsenal defeat

Intii ay Chelsea isku diyaarineysay kulankii Tottenham, Sarri ayaa Azpilicueta u magacaabay mid ka mid ah hogaamiyayaasha dabiiciga ah ee ku jira qolka dharbadelashada.

The Times ayaana warineysa in Sarri uu aad ula dhacay Azpilicueta iyo sida uu u doonayo inuu u difaaco saaxiibadiisa kooxda.

Blues ayaa ka jawaab celisay erayadii arxan darada ahaa ee kaga yimid Tababarahooda Sarri iyagoona mid ka mid ah bandhigyadoodii ugu fiicnaa soo bandhigay ciyaartii ay khamiistii ka adkaadeen Tottenham iyagoona u soo gudbay Finlaka  Carabao Cup.

 On Thursday Chelsea put in one of their best performances of the season to beat Tottenham

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close