“Wuu soo laabtay BOQORKA/THE KING IS BACK.”.

(England) 25 Jan 2019. Weeraryahanak Liverpool Maxamed Saalax ayaa ka yaabsaday Taageerayaashiisa Caalamka kaddib markii uu tir-tiray dhammaan Akoonadiisa Twitter, Facebook iyo xitaa Instagram.

Sababta uu tir-tiray ayaa lagu sheegay Olale Ganacsi.

“Go’aanka 2019: Waqtigii aan si dhab ah u xiriiri lahayn,”. Laacibka ayaa sidaa ku soo qoray Twitter ka ka hor inta uusan tir-tirin Akoonkiisa.

Yeelkeede, Laacibka ayaa iminka dib ugu soo laabtay Baraha Bulshada, sida la sheegeyna Olole Ganacsi ayaa ka muuqda sawirkii ugu horreeyay uu soo dhigay oo wuxuu Xayaysiin u sameynayaa shirkadda Caanka ah ee DHL.

Taageerayaasha oo durba ka fal celiyay soo laabashada Saalax ayaa soo qoray fariimo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin in laacibka reer Masar uu dib ugu soo laabto Baraha Bulshada.

“Soo dhowoow,” Taageere ayaa sidaa u qoray.

Ku kalaa yiri:

“Waan kuu xiisnay walaal, Boqorka wuu soo laabtay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close