Unai Emery oo kahor kulanka caawa ay la ciyaarayaan Man United kaga digay ciyaartoydiisa in ay iska ilaaliyaan xidigahan

(FA Cup) 25 Jan 2019. Tababare Unai Emery ayaa kaga digay ciyaartoyda kooxdiisa Arsenal, halista kaga imaan karta kulanka caawa ciyaartoyda kooxda Manchester United uu qeybta ka yahay saaxiibkood hore Alexis Sanchez.

Arsenal ayaa garoonkeeda ku marti galin doonta kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee Manchester United wareega 4-aad ee koobka FA Cup.

Laakiin Unai Emery ayaa kahor kulankan wuxuu cabsi xoogan ka muujiyay laacibka reer Chile ee Alexis Sanchez, inkastoo uusan sameynin bandhig cajiib ah bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale macalinka reer Spain ayaa wuxuu sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay qaab ciyaareedka fiican ay sameenayaa xidigaha Rashford iyo Pogba tan iyo markii uu shaqada si ku meel gaar ah ula wareegay tababare Ole Gunnar Solskjær.

Hadaba Unai Emery ayaa kahor kulanka caawa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Sanchez? Waan ixtiraamayaa”.

“Alexis waa ciyaaryahan aad uwanaagsan, markii aan joogay Paris, waxaan dooneynay inaan la soo wareegno isaga”.

“Ma aqaano sababta uu qaab ciyaareedkoodu u fiican yahay ama  uu u xun yahay xaaladahan, laakiin kulamadii ugu dambeeyay, Manchester United, aad ayay u fiicneyd, qaab ciyaareed fiicana waa ay soo badhigeen”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close