RASMI: Monaco oo shaqada tababarka kooxdeeda ka joojisay Thierry Henry

(Monaco) 25 Jan 2019. Kooxda Monaco ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay shaqada kooxdeeda ka joojisay macalinka reer France ee Thierry Henry, ilaa iyo ay kasoo saarayaan maamulka go’aan kama dambeys ah ee ku aadan mustaqbalkiisa kooxda.

Monaco ayaa ku daabacday website-keeda rasmiga ah iyo bogageeda rasmiga ah ee baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, war ay ku xaqiijineyso in macalinka reer France ee Thierry Henry ay shaqada ka joojisay ilaa iyo amar dambe.

Mustaqbalka tababare Thierry Henry ayaa shaki weyn ku jira, kadib natiijooyin liita ay kooxda la timid, tan iyo markii uu la wareegay shaqda tababarka kooxda koowaad ee Monaco, mudo haatan lag joogo laba bilood uu shaqada kala wareegay Leonardo Jardim oo horey shaqada looga ceyriyay.

Tababare Thierry Henry iyo kooxdiisa Monaco ayaa waxay guul dareysteen 11 kulan, 20 kulan uu kooxda leeliyay tan iyo markii uu shaqada kala wareegay Leonardo Jardim, wuxuu guul gaaray 4 kulan oo kaliya, xili sidoo kale ay barbaro galeen 5 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close