RASMI: Monaco oo ku dhawaaqday macalinka cusub ee kooxdeeda, kadib markii ay shaqada ka ceyrisay Thierry Henry

(Monaco) 26 Jan 2019. Kooxda Monaco ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay shaqada kooxdeeda ka ceyrisay Thierry Henry, isla markaana ay dib u soo celisay macalinkeedii hore ee Leonardo Jardim.

Leonardo Jardim ayaa saxiixay heshiis laba sano ah, wuxuuna si toos ah waajibaadkiisa farsamo ee kooxda u bilaabi doonaa Axada soo aadan.

War rasmi ah ee kasoo baxay kooxda reer France ee Monaco ayaa lagu sheegay:

“Go’aanka lagu ceyriyay Leonardo Jardim waa wax laga soo tagay, wuxuu ahaa mid ka mid ah tababarayaasha taariikhda ka sameeyay Monaco, maantana waan ku faraxsanahay inaan sheegno in sheekada aysan wali dhamaanin”

Macalinkii horey kooxda Monaco ee Thierry Henry ayaa wuxuu guul dareystay 11 kulan, 20 kulan uu leeliyay kooxda reer France tan iyo markii uu shaqada kala wareegay Leonardo Jardim, wuxuu guul gaaray 4 kulan oo kaliya, xili sidoo kale ay barbaro galeen 5 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close