RASMI: Chelsea oo ku dhawaaqday bixitaanka Victor Moses iyo kooxda uu ku biiray

(Chelsea) 25 Jan 2019.Chelsea ayaa shaacisay in xidigeeda Victor Moses uu qaab amaah ah ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka 2019/2020 ugu biirayo kooxda reer Turkey ee Fenerbahçe.

Blues ayaa war rasmi ah ay soo daabacday waxay ku sheegtay:

“Victor Moses wuxuu qaab amaah ah ugu biiray kooxda Fenerbahçe ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan  2019/2020”.

“Waxaan u rajeeneynaa Victor Moses inuu noqdo ciyaartoyda ugu caansan uguna fiican kooxda, waxaan u rajeeneynaa inuu sii fiicnaado kadib heshiiska amaahda ee kooxda Fenerbahçe”.

Victor Moses ayaa yimid kooxda Chelsea 2012, wuxuuna kaga soo biiray Wigan, wuxuu si weyn kaga caawiyay Blues inay ku guuleysato horyaalka Premier League xili ciyaareedkii 2016/2017, iyo koobka FA Cup 2018.

Moses ayaa qaab amaah ah sidaan oo kale horey loogu siiyay kooxaha Liverpool, Stoke City iyo West Ham, kahor inta uusan door weyn ee muuqda ku yeelan qorshaha macalinkii hore kooxda Chelsea ee Antonio Conte.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close