Manchester United oo u soo baxday wareega SHANAAD ee FA Cup-ka, kadib markii ay kooxda Arsenal ku xasuuqeen Emirates Stadium

(England) 26 Jan 2019. Manchester United ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Arsenal kulankii koobka FA Cup-ka, kadib markii ay ku xaaqeen 3-1, waxayna u gudbeen wareega SHANAAD ee tartankan.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineyso kooxda Manchester United oo marti ku ahayd Emirates Stadium.
Daqiiqadii 31-aad ee qeybta hore ciyaarta Alexis Sanchez ayaa gool qurux badan ugu shubay kooxdiisii hore Arsenal, kadib caawin uu ku helay Romelu Lukaku, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.
Daqiiqadii 33-aad Manchester United ayaa dhalisay goolkeeda 2-aad, waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay Jesse Lingard, waxaana markale goolkan caawiyay Lukaku.
Balse kooxda ku ciyaareysay garoonkeeda Emirates ee Arsenal ayaa ku dhawaad dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 43-aad waxaa gool u dhaliyay Aubameyang oo goolkan ka caawiyay Alexandre Lacazette, ciyaarta ayaa sidaas lagu kala nastay 1-2.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay, ayay labada kooxood sameeyeen qaab ciyaareed cajiib ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah, gaar ahaan kooxda Arsenal oo ku dhawaatay isla bilawga qeybta labaad in ay ciyaarta barbaro ka dhigto.
Laakiin Anthony Martial ayaa kooxda Gunners hurdo dheer u diray daqiiqadii 82-aad, kadib markii uu ciyaarta ka dhigay 3-1.
Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-1 ay guusha kala soo laabteen kooxda Manchester United Emirates Stadium.
Gool FM.